Soomaali

Nasiib darro taageero hadda kuma bixin karno Af Soomaali!

Tani waa arin aanu hadda ka shaqeynayno iyadoo isla marka aanu shaqaaleyn doono gabdho taageerada oo cusub kuwaas oo taageero kugu siin kara Af Soomaali aanu halkan kaaga soo war galin doono.

Pratbubbla somaliska

Stockholms tjejjour

Stockholms tjejjour waa urur heeganka gabdhaha kaas oo ka shaqeeya oo bixiya wadahala taageero ah qoraalka chad-ka ah, waraaqada qoraalka, telefoon ama kulamo ah. Waxaanu soo jirney tan iyo sanadkii 1996-ka, waxaananu nahay ururka ugu horeeyey ee heeganka gabadhaha ee Sweden laga aasaaso. Waxaanu sidaas darteed haysanaa khibrad badan oo aanu gabdhaha ugu taageereyno sida waafaqsan iyaga shuruudooda. Tani waxay ka dhigan tahay in mar walbaa qofku uu noqon karo mid aan magaciisa la sheegin iyo in aanu leenahay waajibaad sir haynta. Dadkayaga ka shaqeeya taageerada gabdhaha ayaa waxaanu ku shaqeynaa tabaruc/iskaa wax u qabso anagoo aan aheyn dhakhaatiir cilmi nafsi ama shaqaaleha dawladda, ee waxaanu halkaas kaliya u joognaa inaan kuu kaalmeyno si bani'aadanimo. 

Gabdhaha taageeraaya gabdhaha kale

Maxaa lagaa caawin karaa?

Waxaanu halkan u joognaa idinkoo idil, waxa uu doonaba ha ahaado arinku ha ahaado, mid yar iyo mid weynba. Waxaad ka hadli kartaa waxaad rabto, haddii aad tusaale ahaan murugeysan tahay, kali aah tahay, laguu geystey rabshado, xadgudub galmo ama dhibaateyn. Waxaan halkan u joognaa inaan ku dhageysano, marwalbana waxaanu raacsanahay dhinacaaga. Waxaa xaq u leedahay inaan magacaaga la sheegin iyadoo aanu qabno waajibaad sir haynta. Waxaad adigu nagala soo hadli kartaa chat-kayaga, telefoonka ama emayl ayaad noo soo diri kartaa. Si diiran ugu soo dhawow!  

 

Sidan ayaad noola soo xiriiri kartaa si aad taageero ugu hesho afkaaga hooyo

Emayl noo soo dir oo naagu soo qor “stöd på Somaliska”  meesha lagu qoro mawduuca markaas ayaad ka heli doontaa mid ka mid ah gabdhaha taageerada Soomaaliga ku hadla. Wadajir ayaad isku qaadan doontaa taariikh, waqti iyo haddii aad wada chat-gareynaysaan, telefoonka ku wada hadlaysaan, emal isku soo direysaan ama aad wada kulmaysaan.

 

Cinwaanka emaylka: kontakt@stockholmstjejjour.nu

Ma wakhti chat-ka ah ayaad qabsatay? Aad chat-ka halkan.

 

Dadkayaga bixinaaya taageerada iyo kuwa helaaya taageerada gabdhaha heeganka ah ee Stockholms tjejjour ayaa wada wadaagaaya khibradaha ka yimaada cadaadiska ku salaysan maadaama oo aan gabdho nahay.  Qofkasta oo gabadh ah ayaa, markaa ah dadka hadafkayaaga ah. Dadkayaga jooga Stockholms tjejjour ayaan jinsigu muhiim u aheyn. Laakiin illaa iyo inta dadka loola dhaqmaayo siyaabo kala duwan taas oo ku salaysan jinsiga iyo aqoonsiga jinsiga, ayaa waxaanu rumaysanahay in loo baahan yahay madal gaar ah oo ku wajahan waayo-aragnimooyinka kala duwan ee dulmiga ka yimaada.

 

Miyaad dooneysaa inaad qariso booqashadaada?

Haddii aadan rabin qof inuu arko inaad soo booqatey boggayaga internetka ayaad markaa ka saari kartaa qoraalka taariikhda booqashada ee barowsarka ku taala si aanay booqashadu uga muuqan. Sidan ayaad sameynaysaa, qaar ka mid ah barowsarada caadi ahaan la isticmaalo.

 

Tirtir taariikhda booqashada

Waxaad adigu tirtiri kartaa qeybo gaar ah ee taariikhda booqashada ka mid ah. Isticmaal shaashada wax raadinta ee xagga sare ku taala haddii aad dooneyso inaad wax raadsato.

 

Chrome

Kombiyuuterka ku fur Chrome.

Riix Mer dhinaca kore ee midigta.

Riix Historik Historik.

Isku talaab ku calaamadee sanduuqa kasta oo ku dhow shay kasta oo aad rabto inaad ka saartid taariikhda booqashada.

Riix Radera oo ku taala dhinaca kore ee midigta.

Xaqiiji adigoo riixaaya Ta bort.

 

Internet Explorer 

Internet Explorer ka dooro Favoriter.

Dooro tabka Historik oo dooro sida loo arkaayo taariikhda booqashada adigoo filter ka dooranaya shaashadda menu-ga. Haddii aad rabto inaad ka saarto boggag gaar ah oo mid ka mid ah liisaskan ah, ayaa badhanka midka guji doontaa oo aad kadibna aad dooran doontaa Ta bort. Waxaad xataa dib ugu aadi kartaa bog internedka adigoo dooranaaya mid ka mid ah liistada.

 

Safari

Waxaad Safari kambiyuuterka ka dooran kartaa Historik > Rensa oo markaa aad riixeysaa menu-ga kuu soo baxeysa.

Dooro ilaa inta aad rabto in la tirtiro taariikhdaada booqashadaada boggaga internedka.

Haddii aysan taasi kuu shaqeynin, ayaa waxa laga yaabaa inaad ku xidhan tahay inaad haysato noocii hore ee Safari ga. Isku dey markaa inaad riixdo Rensa taariikhda, isoo kadibna Radera taariikhda madibna Radera cookies iyo xogta.

 

Mozilla firefox

Riix badhanka menu-ga , dooro Historik, markaa kadibna Rensa taariikhda hore….

Dooro ilaa inta taariikhda aad rabto inaad tirtirto:

Riix shaadhada liistada ee ku dhow Tidsintervall att ta bort si aad ugu doorato ilaa inta taariikhdaada Firefox laga saaraayo.

Marka kadib, riix falaarta ku xigta Detaljer si aad ugu doorato macluumadka saxda ee laga saaraayo. 

Gabogabadii riix badhanka Ta bort. Shaashadu waa ay is xidheysaa iyadoo shayga aad dooratey laga saari doono.